26/11/2023
Nin & xaaskiisa ayaa isla fiidsanayey, sheekadu sidii ay isugu baxeeysey oo ay isula qoslayeen, ayuu kacay ninkii oo musqusha aadey.
Intii uu maqnaa ayay xaaskiusu ku falaaddey telefoonkiisii Mobilka ahaa!.
Saddex magac oo odeygeeda ugu keeydsanaa telefoonka ayay la yaabtey, kuwaa oo ahaa:
▪︎Naxariis badan.
▪︎Quruxleey &
▪︎Boqoraddii Riyada.!... 🤔
Isla markiiba waxaa ay go'aansatey in ay wacdo oo ay ogaato dadkan waxa odeygeeda kala dhexeeya.
Mobilkii odeyga ayay ka wacdey Naxariis badan ......, waxaa ay maqashey cod ay garaneeyso oo leh:
■ [Hooyo ma nabad qabtaan ?].
Waaba hooyadii odeygeeda dhashey, haweeneeydii inta ay naxdey ayay isi saartey telefoonkii.
Haddana waxaa ay wacdey Quruxleey oo ku jawaabtey:
■ [Aabbe.....!..].
Waa Gabadhoodii curadda aheeyd.
Haweeneeydi iyadoo yaabban ayay tijaabisey magicii ugu dambeeyey ee ahaa Boqoraddii riyada....
Markaa ayaa waxaa shanqarey gambaleelka telefoonkeeda oo yaalley meel u dhow.
■ illeeyn waaba iyada qudheeda Boqoraddu.!!!.
Fiidkaa wixii ka dambeeyeyba haweeneeydii waxaa ay odeygeeda u sii qaaddey kalsooni dheeraad ah. 🤸🏽...🤸🏽... 🤸🏽.😁😁.
Daa’uud Cumar