02/10/2024
Hadal aan la cajabay!!.
Imaam abuu daauud ayaa asagoo doon saaran waxa uu maqlay nin bada xeebteedda ku hindhisay oo kafogaa markaas waxa uu kireystay doon yar hal dirham ayuuna ku kireystay markaa ayuu ninkii utagay wuxuuna ku yidhi;
يرحمك الله
Ninkii ayaa asna wuxuu kuyidhi
يهديكم الله ويصلح بالكم
Dadkii doonta saarnaa ayaa weydiiyey imaamka "maxaa sidaa usamaysay, wuxuu yiri soo lagama yaabo inuu yahay mid ducaddiisa la aqbalo.
Markii habeenkii la gaadhay ayay maqleen cod aan la garaneeynin oo dhahaayo Hadal ah "ogaada abuu daauud wuxuu janadii ku helay hal dirham"
Hadaba ha yaraysan ducadda qofkasta oo mu,min ah lagayaabo in ducadiisu mustajaabu dacwo tahaye!
Marna ha dhayalsan!.