09/02/2026
Reer Muuse ayaa ku kala maqnaa 6 sano qilaaf joogto ah, qilaafkaas oo ay ka shaqeeyeen sababeedana u lahaayeen guddoomiyihii h**e ee madaxtooyada Dhuusamareeb iyo askarigii xildhibaanka loo dhacay. Xarigga kaliya ee isku hayayna wuxuu ahaa culimada iyo ganacsatada. Illaahay mahaddiis, qilaafkii ka jiray Gobollada Dhexe wuu ka badbaaday in uu ku faafo Muqdisho.
Arrintaas darteed Muqdisho waxaa laga dhisay 12 qof oo gudi ah, si nabadoon guud loogu dhiso magaalada koofurta iyo Muqdisho. Goorta Nabadoonka la dhiso Waxaa rajo weyn laga qabay in nabadoonka iyo 12-ka gudd ay Gobollada Dhexe ku baxaan si ay uga shaqeeyaan in la dhiso nabadoon dhexdhexaad ah, oo aan h**e uga qayb qaadan qilaafyadii jiray .
Hase yeeshee, arrintaas waxaa carqaladeynaya askarigii xildhibaanka loo boobay, isagoo adeegsanaya nin la yiraahdo Cabdinuur shido, oo ku suntan inuu qayb ka ahaa qilaafkii 6-da sano socday, si qilaafkii Gobollada Dhexe loogu soo raro Koofurta iyo magaalada Muqdisho.
Sababta arrintan ka dambeysa waxay tahay: waxey leeyihiin nabadoonka Muqdisho waa oggol nahey, balse beddelkeeda waxaa la rabnaa in nabadoonka guud ee Gobollada Dhexe laga dhigo Tahliil.
Tahliil waa ninkii isku wadi waayay Wehliye Muuse, waxaana jirta oraah leh: “Ninkii waxaraha lagala quustay ayaa geela loo diraa.”
Haddii Tahliil noqdo nabadoon Wehliye Muuse ama reer Muuse, waxa ka dhalanaya in reer Muuse kala tagaan.
Arrintan wuxuu sidaas u sameynayaa askariga xildhibaanka loo boobey, waxa ku dhahey guddoomiyihii h**e ee madaxtooyada Dhuusamareeb, Haddii aad rabto xildhibaanka soo socda, waa in Tahliil ka shaqeeyaa sidii nabadoon u noqon lahaa.”
Midnimada reer Muuse waxay ku iman kartaa oo keliya in nabadoono laga dhigo dad nadiif ka ahaa qilaafkii 6-da sano jirey.
Gacmo nadiif ah ayaa wax daahiriya.